Baadari kallarka cad dib u gashtay ka dib markii uu Mugabe is casilay

Dr John Sentemu wuxuu ballan ku galay inuusan gashan kallarka cad ilaa inta uu Mr Mugabe ka degayo xukunka
Image caption Dr John Sentemu wuxuu ballan ku galay inuusan gashan kallarka cad ilaa inta uu Mr Mugabe ka degayo xukunka

Baadariga York ayaa kallarka (kulleetiga) cad dib u gashtay markii ugu horraysay muddo 10 sano ku dhow, taasoo soo afjartay nidar uu hore u galay, isagoo ka caraysnaa hogaanka Mugabe.

Disembar 20017 ayuu Dr John Sentamu kallarka iskaga jaray baranaamijka BBC One ka baxa ee Andrew marr Show oo toos loo daawanayey , isagoo wacad ku maray in uusan dib dambe u xiran doonin ilaa iyo inta uu Mugabe xafiiska ka tegayo.

Wuxuu sheegay in hogaamiyaha Zimbabwe "uu qaatay haybta shacbiga" oo uu "cad-cad u jarjaray", taasoo isna ku kalliftay inuu sidaa yeelo.

Axaddii ayuu ku laabatay barnaamijka Andrew Marr Show, wuxuuna dib u gashtay kallarkiisii, sidii uu horeba u ballan qaaday.

Mr Mugabe ayaa si la yaab leh xafiiska uga tegey 37 sano oo uu kali talisnimo dalkaas ku xukumayey ka dib.

Markii uu Andrew Marr guddoonsiiyey baqshad uu ku jiray kallarkii uu jarjaray ayuu Dr Sentamu yiri 'waxaad ahayd saaxiib daacad ah, waad haysay , waa wax la jeclaysto'.

'Waan isku dayi lahaa in aan dib isugu kabo oo aan xabag iskula qabto, laakin wuxuu u ekaanayaa kallar xarig ka samaysan, waxayna ila tahay in farriinta Zimbabwe ay iyadana sidaa la mid tahay. Iskuma toli karaan. Waa inay dhacaan wax adag oo xoog leh oo cusub ' ayuu yiri.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Emmerson Mnangagwa waxaa weli ku xeeran xubnihii ZANU-PF

Wuxuu sheegay in ay dhici karto in Mr Mugabe uu iminka tegey, laakinse madaxweynaha cusub, Emmerson Mnangagwa, isaga qudhiisa arrimo badan lala xiriirinayo.

Inkastoo uu beddelay xukumihii ugu wakhtiga dheeraa dalkaas, haddana waxaa weli jaal la ah kuwii gaystay tacaddiyadii ugu darnaa xilligii ZANU-PF uu dalka xukumayey.

Dr Sentamu wuxuu sheegay in ay dhici karto in reer Zimbabwe ay cafiyaan Mr Mugabe.