Nin loo ganaaxay in uu waddo rinjiyeeyay si ay saxmaddu uga yaraato

Baabuurta oo waddada adeegsanaya ayuu calaamadaha waddada badalay Cai Lahaanshaha sawirka MODERN EXPRESS
Image caption Baabuurta oo waddada adeegsanaya ayuu calaamadaha waddada badalay Cai

Nin Shiinays ah ayaa la ganaaxay ka dib markii ay kaameerooyinka ammaanku duubeen isaga oo waddo ku dhigaya calaamado cusub, si uu ciriiriga uga yareeyo waddada uu ku safro.

Wargeyska Modern Express ayaa ku warramay in ninkan 28 jirka ah oo la dhoho Cali lagu ganaaxay 1,000 yuan oo u dhiganta 151 doolar.

Kaameero ayaa duubtay 27kii Sabtembar isaga oo waddada ku rinjiyaynaya calaamado cusub oo uu baabuurta ku kala hagayo, wuxuuna booliiska u sheegay in ay arrintan ku qaaday in uu shaqada ka daaho oo baska maalinkaste shaqada u qaada uu waddada saxmad ku sii galo.

"Waxaan arkay in falaarta tooska ah ay markaste gaariyo ka buuxeen, halka midka dhanka bidix u leexdana uu ciriirigu ka yar yahay," ayuu ku yiri booliiska.

"Waxaan is iri marka haddaad calaamadda waddada badasho safarkaagu wuu sahlanaan lahaa."

Taraafikada ayaa wargayska Modern Express u sheegay in ay u arkeen in ficilka Cai uu halis yahay, uuna sababi karay shilal. Intaas ka dibna waxay u direeen shaqaale dib u rinjiyeeya waddada.

Lahaanshaha sawirka MODERN EXPRES
Image caption "Waddada ciriiri ayaa ka jira maalin walba marka aan baska raaco" ayuu kuu Cai ku yiri booliiska

Ma aha markii koobaad ee ruux rinjiyaynta yaqaanna uu sameeyo xeerar waddo oo uu isagu la yimid.

Bishii May darawal ku sugan bariga Zhejiang ayaa la ganaaxay ka dib markii ay kaameero qabatay isaga oo waddo hareerteeda jeesto ku xoqaya si uu ugu ekaysiiyo in ay tahay goob baabuurta la dhigo.