"Israa'iil waxay weerar ku qaadday Suuriya" TV-ga Suuriya

Hanaanka gantaalaha difaaca Suuriya ee Ruushku sameeyo ee Pantsir-S1 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hanaanka gantaalaha difaaca Suuriya ee Ruushku sameeyo ee Pantsir-S1

Israa'iil ayaa weerar gantaalo ah ku qaadday goob ay yaalleen qalab milateri oo ay leedahay Suuriya, meel ka baxsan magaalada caasimadda ee Dimishiq xalay, sida uu ku soo warramay TV-ga Suuriya ee dawladdu maamusho.

Weerarka ayaa khasaare gaystay, waxayse warbixintu sheegaysaa in laba ka mid ah gantaalaha laga hor tegey.

Milateriga Israa'iil weli ma xaqiijin in uu qaaday weerarka.

Koox fadhigeedu yahay London oo dusha kala socota arrimaha Suuriya ayaa goor sii horreysay sheegtay in qaraxyo laga maqlay meel u dhow Dimishiq, kuwaasoo ay sheegtay in ay ka dhasheen weerar loo malaynayo inay Israa'iil qaadday.

Baaxadda uu khasaaraha leeyahay ayaan weli caddayn, inkastoo uu TV-gu soo weriyey in uu jiro "khasaare qalab" oo saldhigga ka dhashay.

Rami Abdelrahman oo madax u ah kooxda arrimaha Suuriya la socota wuxuu u sheegay wakaaladda AFP in weerarku uu burburiyey kayd hub, laakinse kooxdiisu ma sheegin cidda lahayd.

Hore Israa'iil waxay u duqaysay meelo ay hub yaalleen, ayadoo doonaysay in laga hor tago hub in loo qaado Xisbullah.

Kooxdan sida ay sheegayso, weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhow El Kiswah oo dhowr mayl koofurta kaga began Dimishiq.

Bishii hore BBC waxay daboolka ka qaadday sheegasho ay Iiraan ku sheeganayso inay meel magaalada u dhow ka dhisayso saldhig.

Tiro masawirro ah oo dayax gacmeed lagu qaaday ayaa muujinaya dhisme ka socda meel ku taalla saldhigga la sheegay, halkaasoo ay BBC u farmuuqeen ilo ka tirsan sirdoonka reer galbeedka.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa hore uga digay in dalkiisu uusan ogolaan doonin in Iran ay joogitaan milateri ku yeelato Suuriya.