Tirada dadka ku dhinta miinooyiinka oo sare u kacday caalamka

Tirada ku waxyeelowda miinooyiinka dhulka ayaa sare u kacday Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tirada ku waxyeelowda miinooyiinka dhulka ayaa sare u kacday

Hay'adaha gargaarka ayaa sheegay in dhimashooyiinka iyo dhawacyada ka dhasha miinooyiinka dhulka lagu aaso ay sare u sii kacday.

Hay'adaha ayaa sheegay in 20 sano ka dib markii la mamnuucay isticmaalka miinooyiinka wali ay dhibaatooyin badan ka dhashaan miinooyiinka.

Dalal badan ayaa joojiyay isticmaalka miinooyiinka waxaana hoos u sii dhacaysay waxyeelada miinooyiinka.

Balse kooxaha sida kooxda la baxday dowlada islamka ayaa samaysta miinooyiinka dhulka lagu aaso.

Guddiga caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin in hoos u dhacdo lacagaha lagu bixiyo mina baarida.

Malaayiin ah miinooyiinka dhulka ayaa wali laga helayaa dalalka Bosnia, Cambodia iyo Zimbabwe.