Golaha wasiirada cusub ee Zimbabwe oo la dhaliilay

Zimbabwe waxaa mudaba ka taagnayn degenaan la'aan siyaasadeed
Image caption Zimbabwe waxaa mudaba ka taagnayn degenaan la'aan siyaasadeed

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe ayaa badalay labo wasiir oo ka tirsan golaha cusub ee dhowaanta uu soo magacaabay.

Dhowr maalmood ayaa laga joogaa markii Mnangagwa uu ku dhawaaqay gole wasiiro ah oo badali doona kuwii hore.

Balse waxaa dhaleecayn loogu soo jeediyay in gollahan cusub ay ku jirraan saraakiil meleteri iyo wajiyo hore oo siyaasada aan ku cusbayn.

Waxaana hadda la badalay labo wasiir iyadoo aanba xitaa la dhaarinin. Lazarus Dokora oo waxbarashadda loo magacaabay ayaa ka mid ah.

Waxaa sidoo kale jirra culays xaga dastuurka ah oo oranaya in la xadido tirada gollaha wasiirada aanan xilibaanada ahayn.

Mnangagwa waxa uu xilka kalawareegay madaxweynihii hore ee Zimbabwe ee xukunka hayay ku dhowaad afartanka sano.

Zimbabwe waxaa mudaba la harray dhaqaale xumo iyo cadaadis uu keenay xukunkii Robert Mugabi oo dhaleecayn badana caalamka kala kulmayay