Hogaamiyihii hore ee Catalonia oo maxkamad lahor keenayo

Qaar ka mid ah wasiiradii Catalonia Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah wasiiradii Catalonia

Sideed wasiir oo ka tirsanaa maamulkii lakala diray ee gobolka Catalonia ayaa xabsiga loo taxaabay.

Wasiiradan ayaa loo haystaa inay iskudayeen inay gobolkaasi ka gooyaan Spain inteeda kale.

Maanta ayaa lagu wadaa in damaanad lagu siidaayo waa haddii la ogolaadee.

Waxaa sidoo kale jirtay in Hogaamiyihii gobolkaasi Catalonia ayaa u baxday dalka Biljimka.

Waxaana hogaamiyahaasi Carles Puigdemont lagu wadaa in maanta maxkamada la horkeeno.

Hogaamiyahaasi waxaa lala keenayaa maxkamada afar wasiir oo kale oo dowladiisa ka tirsanaa.

Waxaa hadda lawadaa olole doorasho oo lagu doonayo in lagu soo doorto hogaan cusub oo gobolkaasi Catalonia uu yeellanayo.

Gobolka Catalonia ayaa mudo dheer doonayay inuu Spain ka go' balse dowladda dhexe ee Madrid ayaa arrinkaasi ka hortimid.

Reer Catalonia waxay ku andacoonayaan in dowladda dhexe ay gacan-bidxaysay.