Sarkaal Qaramada Midoobey ka tirsan oo socdaal naadir ah ku tagaya K/Waqooyi

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in madaxooda arrimaha siyaasada uu booqan doono dalka Kuuriyada Waqooyi.

Jeffrey Feltman ayaa lagu wadaa in uu booqdo Kuuriyada Waqooyi maanta oo talaado ah.

Booqashada sargaalkani uu ku tagayo Kuuriyada Waqooyi ayaa noqon doonta middii ugu horreysay oo heerkeedu sareeyo oo sargaal Qaramada uu ku tago Pyongyang muddo 6 sano ah.

Booqashada Jeffrey Feltman ayaa ku soo beegmaysa xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda gacanka Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa toddobaadkii aanu soo dhaafnay tijaabisay gantaal nooca qaaradaha isaga tallaaba ah.

Isniintii Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus dhanka cirka ah.

Kuuriyada Waqooyi ayaa horrey daandaansi ugu tilmaamtay dhoolatuska militari ee ay sida wadajirka ah u samaynayaan Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.