Seneterkii saddexaad ee Mareykan oo toddobaadkaan iscasilay

Senetor Franken oo gacmaha heysta xaasikiisa
Image caption Senetor Franken oo gacmaha heysta xaasikiisa

Xubin kale oo ka tirsan golaha guurtida Mareykanka ayaa ku dhawaaqay inuu iscasilay kaddib eedeymo la xiriira inuu ku kacay tacadiyo ka dhan ah dumarka.

Mudanahan ayaa noqonayaa kii saddexaad ee toddobaadkaan iska casila aqalka senedka.

Trent Franks oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga lagana soo doortay gobolka Arizona ayaa sheegay inuu go'aansaday inuu xilka isaga dego.

Arrintaan ayaa imaaneyso kaddib markii guddiga anshaxa gollaha wakiilada uu sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan falka uu sameeyay.

Mr Franks ayaa dhankiisa sheegay in uusan dooneyn in warbaahintu ka badbadiso arrintaan.

Kolsii horreysay, Al Franken, oo ah senator ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga, ayaa sheegay inuu isa iscasilay.

Si la mid ah, senator John Conyers, oo isna ka tirsan isla xisbigaasi ayaa sidaan oo kale ku dhawaaqay Salaasadii inuu isku casilay.