Askari Switzerland u dhashay oo lagu helay in uu ku tacadiyay gabadh Suuriyaan ah

Dacwad oogeyaasha ayaa askariga ku eedeeyay "in ay banii'aadannimada oo dhan ka maqan tahay" Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dacwad oogeyaasha ayaa askariga ku eedeeyay "in ay banii'aadannimada oo dhan ka maqan tahay"

Askari ka mid ah Ilaalada xadka Switzerland ayaa lagu xukumay in uu dawayn u diiday muhaajirad Suuriyaan ah oo xaamilo ah oo markii dambena ilmo mayd ah dhashay.

Haweenaydan xaamilada ah ayaa caloosha laga qabtay dhiigna ka socday iyadii loo soo masaafurinayo Talyaaniga oo bas saaran sannadkii 2014kii.

Laakiin askarigii ilaalinayay ayaa u diiday in ay dawayn raadsato, haweenaydiina waxaa lagaga tagay xadka meel u dhaw xadka Switzerland iyo Talyaaniga.

Waxaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin tacadi waxaana lagu xukumay xabsi lix billood ah iyo lacag ganaax ah oo lagu fulin doono haddii uu mar kale dambi gaysto.

Intii ay dacwaddu socotay ayay dacwad oogeyaashu ku eedeeyeen askariga iyo dadkii hawsha la hayayba "in banii'aadannimada oo dhan ay ka maqnayd" marka la fiiriyo sida ay ula dhaqmeen haweenayda xaamilada ah oo barta Swissinfo.ch ay ku sheegtay in ay lahayd uur toddobo billood ah. Waxay dalbadeen in lagu xukumo 7 sano oo xabsi maadaama uu ku lug lahaa dhimashada qof banii'aadan ah.

Gabadha uurka leh oo 22 jir ahayd, ninkeeda iyo wiil labo jir ah oo ay dhaleen ayaa tareen ka soo raacay talyaaniga iyaga oo ku sii jeeday Switzerland balse waxaa tareenka laga dajiyay iyaga oo dhexda maraya dib ayaana loo celiyay.

Mowduucyada la xiriira