Magufuli oo cafiyay dambiileyaal carruur kufsaday

Magufuli ayaa cafiskan fidiyay markii uu jeedinayay khudbaddii maalinta xoriyadda Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Magufuli ayaa cafiskan fidiyay markii uu jeedinayay khudbaddii maalinta xoriyadda

Dadka xuquuqda carruurta u dhaqdhaqaaqa ayaa cambaareeyay cafiska uu madaxweynaha Tanzaniya u fidiyay labo ruux oo carruur kufsaday.

Kate McAlpine oo madax ka ah hayhay'ad xuquuqda carruurta u dooda oo fadhigeedu yahay Caruusha ayaa BBC-da u sheegtay "in ay aad uga xumaatay arrintaas balse aysan la yaabin".

John Magufuli ayaa arrintaas ku dhawaaqay Sabtidii isaga oo khudbad ka jeedinayay maalinta xorriyadda.

Nguza Viking oo heesaa ah kuna magac dheer Babu Seya iyo wiilkiisa Johnson Nguza, oo isna loo yaqaanno Papii Kocha ayaa laga cafiyay in ay kufsadeen 10 gabdhood oo ciyaal iskuul ah.

Madaxweynaha ayaa xushay koox maxaabiis ah si loo sii daayo, wuxuuna sheegay in ay hab dhaqankooda hagaajiyeen oo ay is badaleen.

McAlpine ayaa sheegtay in cafiskan uu muujinayo "sida uusan Magafuli u fahamsanayn dhibaatada carruurta ka dhanka ah".

Waxay isla xiriirisay khudbaddiisan u dambaysay iyo baaqiisii bishiii Juunyo markaas oo uu gabdhaha uurka leh ka mamnuucay in ay iskuulka dib ugu soo noqdaan.

Helen Kijo Bisimba oo xuquuqda carruurta u dhaqdhaqaaqda ayaa weriyaha BBC-da Muniira Maxamed oo Dar es Salaam ku sugan u sheegtay "in cafiska dambiilayaashaas ay xannuunka ku sii kordhinayso qoysaska iyo waalidka.

Mowduucyada la xiriira