Sidee naf ku badbaadin kartaa haddii qarax uu dhaco?

Qarixii Soobe wuxuu ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Soomaaliya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Qarixii Soobe wuxuu ahaa midkii ugu dhimashada badnaa ee ka dhacay Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa ka bilowday tababar la siinayo shacabka oo uu ka qeybgali karo qofkii doonaya in uu barto sida loo sameeyo gargaarka degdegga ah, si loo yareeyo dhibaatada ka dhalata qaraxyada.

Tan iyo markii uu dhacay qaraxii isgoyska Soobe ee lagu dilay dad kabadan 500 oo qof, waxa soo baxay inuu aad u liito hannaanka gurmadka degdega ah ee magaalada Muqdisho.

Khubarada caafimaadka waxay rumeysan yihiin in dad badan la badbaadin karay hadday jiri lahaayeen shacab loo tababaray sida gargaarka degdega ah loogu sameeyo dadka dhaawaca ah ama dhibaatadu soo gaarto.

Kooxda gawaarida gurmadka degdeg ah ee Aamin Ambulance ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay olole lagu tababarayo gargaarka degdeg ah dadka degan magaalada.

Tababarka waxaa la siinayaa rayidka iyo qof kasta ee daneynaya, waxaana la barayaa sida markiiba gargaarka caafimaad loogu sameeyo dadka waxyeeladu ka soo gaarto musiibooyinka kala duwan ee dalka ka dhaca.

Dhibaatooyiinka ugu daran waa dhawacyada ka dhasha qaraxyada Muqdisho oo joogta ahaa tobankii sano ee la soo dhaafay.

Khubarada qaar waxay aaminsan yihiin la dad badan la badbaadin karay ka dib qarixii Soobe, balse kuwa badan ay u dhinteen dhiig bax laga badbaadin karay haddii la heli lahaa dad shacab ah oo garanaya gargaarka degdegga ah sida loo sameeyo.

Lahaanshaha sawirka Radio Muqdisho
Image caption Gawaarida gurmadka degdegga ah ayey mararka qaar waqti ku qaadataa in ay gaaraan goobaha ay musiibooyiinka ka dhacaan

Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Xaaji Aadan oo madax u ah hay'adda Aamin Ambulance ayaa sheegay in qaraxii Soobe uu dibada soo dhigay sida dadka magaaladu aanay ugu diyaarsanayn inay ka jawaabaan musiibooyinka noocaas ah.

Wuxuu la hadlay BBC Somali ka dib markii uu Muqdisho uga dhaawaqay olole lagu tababarayo shacabka wuxuuna balanqaaday in qof kasta ee tababarkaas xiiseynaysa si bilaasha loo siin doono.

"Waxaan qof kasta bareynaa gargaarka degdegga ah si uu u xallisan karo arrimihiisa gaarka ah markii dhibaato dhacdo," ayuu yiri Dr Cabduqaadir.

"Tababarka qof kastaa la siinayaa, wax ha qoro ama yuusan qorin. Waxaan rabnaa in guri kastoo Soomaaliya ku yaalla in laga helo qof garanaya sida loo sameeyo gargaarka degdegga ah".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
BBC oo booqatay qoyskii qaraxa Soobe lagaga dilay Maryam

Wuxuu intaa ku daray dhaqtarka in ay muhiim tahay qof daaweyn kara qof kale oo dhiig baxaya oo ka qeybgalo howlaha gurmadka caafimaadka ee degdegga ah.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dawladda federaalka, Dr Cabdillahi Xaashi oo kamid ahaa dadkii lagu casuumay ka qaybgalka daahfurka barnaamijka tababarka gurmadka degdega ah ayaa qiray in "guul darro ka jirtay habka gurmadka degdeg ah ee magaalada Muqdisho" kadib qaraxii Soobe.

Wuxuu xaqiijiyay in wasaaradda ay waddo qorshe lagu hagaajinayo habka gargaarka caafimaadka degdegga ah.

"Dhibbaa jiray horeyna waa loo dareensanaa, waxaana hadda soo bixisay arrintii Soobe. Wasaaradda waxay diyaarineysaa wada shaqeyn si loo ogaado qof kasta meeshuu howsha ka gali lahaa," ayuu yiri.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Qaraxa ayaa ahaa midkii ugu waynee

"Kii dhiiga meeshuu aadi lahaa in uu garanayo, in ambalasta diiwaankooda la hayo, la ogaado meesha dawada ay taallo, si markii wax dhacaan qofkastaa uu yaqaano meesha uu u dhaqaaqi lahaa, si uusan u dhicin isbarbaryaac."

Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo kamid ah culimadii Muqdisho oo BBC Somali la hadlay ayaa rumeysan in la badbaadin karay dad badan oo u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray qaraxii Soobe inkastoo qadartu meesheeda taalo.

Wuxuna soo dhaweeyay in dadka loo tababaro in ay samayn karaan gargaar degdeg ah kahor inta aan qofka loo qaadin isbitaalka.

"In la dadaalo ayey diinta ina fareysaa, marka haddii ay siijiri lahaayeen dad carbisan, waxaa dhici lahayd in dad badan oo Alle uga dhigi lahaa in ay sababtooda ku badbaadaan"..

Isagoo ka hadlayay arrintii Soobe wuxuu sheegay in "Si aysan taa u dhicin waxay tahay; sidee baan ugu diyaargarownaa ee aan u diyaarsanaa haddii waxyaabo sidaas oo kale ah ay dhacaan?"

Hannaanka caafimaadka ee Muqdisho ayaa burburay ka dib markii ay dalka ka bilowdeen dagaalladii sokeeyee ee soo bilowday 1991-dii. Balse waxaa dhowaanahan socday howlo dib loogu soo celinayo hannaanka caafimaadka dalka.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan