Xubnaha Jamhuuriga oo si aqlabiyad ah isugu raacay xeerka canshuuraha

Kevin Brady, madaxa aqalka gudiga Ways and Means, oo warbaahinta u faahfaahiyay xeerka canshuuraha Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kevin Brady, madaxa aqalka gudiga Ways and Means, oo warbaahinta u faahfaahiyay xeerka canshuuraha

Xubnaha xisbiga Jamhuuriga ee labada aqal ee Congresska Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday xeerka wadajirka ah ee dib-u-habaynta ugu weyn ee nidaamka canshuuraha ee dalka tobanaan sano.

Qorshahan ayaa waxa uu canshuur dhimis u smaeyn doona shirkadaha waxa uuna yareyn doono heerka ugu sareeyo ee canshuuraha shaqsiyadeed.

Hoggaamiyeyaasha xisbiga ayaa sheegay inay heleen codad ku filan qaanuunkaan si loo meel mariyo isbeddelkaan toddobaadka soo socda, kaddib markii ay ku guuleysteen laba xildhibaan(Marco Rubio and Bob Corker).

Madaxweyne Donald Trump ayaa sameeyay xilligii ololaha madaxtinimada uu ku jiray ballan qaad ah inuu yareynayo canshuuraha si kor loogu qaado dhaqaalaha Maraykanka.

Balse xubnaha Dimoqaraadiyiinta ayaa sheegaya in qorshahan uu u daneynayo dadka hodanka ah,wax ayna ugu yaraan ku kordhin doonta hal tirilyan doolar deymaha qaran muddo toban sano ah.

Mowduucyada la xiriira