K/ Waqooyi: Pyongyang ayaa jabsatay aalad casri ah oo lagula socdo dhaqaalaha

K/ Waqooyi ayaa la rumeysan yahay inay keedahay kumanaan burcada wax jabsata Lahaanshaha sawirka AP
Image caption K/ Waqooyi ayaa la rumeysan yahay inay keedahay kumanaan burcada wax jabsata

Hy'adda mukhaabaraatka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay u muuqato inay ka dambeysay burcadi jabsatay aalad casri ah oo lagula socdo dhaqdhaqaaqa maaliyadda dalkeeda.

Ugu yaraan toddobo milyan oo doolar oo ku jirtay aaladda casriga ee maaliyadda ayaa la sheegay in ay xadeen burcada wax jabsatay.

Hay'adda sirdoonka qaran ee Kuuriyada Koonfureed waxa ay sidoo kale sheegtay in tuugada ay jabsadeen macluumaad gaar ah ah oo ay la haayeen sodon kun oo qof oo lacagaha kala baxay aalada casriga ee suuqa ugu weyn Kuuriyada Koonfureed.

Khubaradda ka faaloota arrimaha burcadda wax jabsata ayaa sheegaya in laga yaabo in burcadda Kuuriya Waqooyi ay bartilmaameedsatay suuqayadan casriga ah si ay uga fogaaato cunaqabteynada maaliyaeed ee loogu soo rogay horrumarinta barnaamjikeeda hubkaniyuuklerka ee ay ku howlan tahay.

Mowduucyada la xiriira