Shir madaxeedka ECOWAS

Shir madaxeedkii 50aad ee ECOWAS Lahaanshaha sawirka ECOWAS
Image caption Shir madaxeedkii 50aad ee ECOWAS

Madaxda urur goboleedka ECOWAS ee galbeedka Afrika ayaa maanta shir madaxeedkoodii sannadlaha ahaa ku leh caasimadda Nayjeeriya ee Abuja.

Kulanka ayaa ku soo beegmay ayadoo dalalka galbeedka Afrika ay wajahayaan caqabado ay ka mid yihiin kacdoonnada ka soconaya Nayjeeriya, Mali iyo Burkina Faso, dhaqdhaqaaqa burcad badeedda ee gacanka Guinea, iyo tahriibayaasha Afrika ka tegeya ee Yurub aadaya.

Arrinta ku saabsan in muhaajiriin badan oo ka soo jeeda galbeedka Afrika lagu gado suuqyada addoonta ee Libya ayaa caro xoog leh abuurtay, waxayna keentay in lagu baaqo talaabooyin lagu joojinayo socdaalka sharci darrada ah ee Yurub loo aado.

Nayjeeriya waxay billowday inay dib uga soo celiso Libya qaar ka mid ah muwaadiniinteeda.

Waxaa kaloo la filayaa in ay madaxdu isla soo qaadaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha.