"Aung San Suu Kyi oo amartay howlagalada ka dhanka ah Rohingya"

Aung San Suu Kyi Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Aung San Suu Kyi

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midobay ayaa BBC u sheegay in uu u malaynayo in hogaamiyaha Myanmar, Aung San Suu Kyi, ay ogolaatay cadaadiska lagu hayo Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.

Zeid Ra'ad Al Hussein ayaa carabka ku adkeeyay in ay qasab tahay in go'aankan ay gaareen dad meeqaam sare leh.

Waxa uu intaa ku daray in marka la eego baaxada howlgalka militari ee lagu dilay kumannaan qof boqolaal kalana ay ku barakaceen uu yahay mid dad masuuliyiin sare ah ay ka war hayeen.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midobay Zeid Ra'ad Al Hussein ayaa sheegay in bilooyiin ka hor uu kala hadlay Aung San Suu Kyi in la soo afjaro howlgalada ka dhanka ah muslimiinta Rohingya.

Balse waxa uu wax laga shalaayo ku tilmaamay in arrintaasi ah in howlgalada la soo afjaro aysan dhicin.

Mr Hussein ayaa sheegay in hogaamiyaha Myanmar ay wajihi karto dacwado la xiriira xasuuq.

Aung San Suu Kyi oo horey ugu guulaysatay billadda nabadda ee Nobel ayaa diiday in wax jawaab ah ay ka bixiso eedeeynta Mr Hussein.

Mowduucyada la xiriira