Trump: Shiinaha iyo Ruushka ayaa tartan kula jira Mareykanka

Donald Trump Lahaanshaha sawirka .
Image caption Donald Trump

Madaxwayne Donald Trump ayaa sheegay in Shiinaha iyo Ruushka ay tartan kula jiraan Mareykanka, ayna doonayaan in Mareykanka ay kula loolamaan dhanka galaangalka, mabaa'ddida iyo dhaqaalaha.

Madaxwayne Trump oo soo bandhigayay istaraatijiyada cusub ee ammaanka ayaa sheegay in caalamka uu imika ka socdo loollan xooggan oo dhanka militariga, dhaqaalaha iyo siyaasada ah.

Mr Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu hadda wajahayo khataro ka imaanaya ururo argagixiso, kooxo dambiilayaal ah oo abaabullan iyo kuwa kale oo uu sheegay in ay rabshado fidinayaan.

Istaraatijiyada uu soo bandhigay waxaa ka mid ah in darbi laga dhiso xuduuda uu Mareykanka la leeyahay dalka Mexica.

Waxaa sidoo kale uu madaxwayne Trump sheegay in la adkeeyo shuruucda socdaalka iyo in la soo afjaro barnaamijka dal ku galka baqtiyaa nasiibka ah.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale cambaareeyay madaxwaynayaashii isaga ka horeeyay oo uu sheegay in ay dhiseen waddamo dibadda ah islamarkana ay ku guuldaraysteen in ay dhisaan dalkooda hooyo.

Mowduucyada la xiriira