Garsoore uu Trump soo magacaabay oo ‘waxbo’ garan waayay!

Matthew Peterson Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Methew Peterson

Qofkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu usoo magacaabay in uu ka mid noqdo garsoorka Maraykanka ayaa is casilay kadib markii uu ka jawaabi waayay su'aalo asaasi ah oo ay weeydiiyeen xildhibaanada Aqalka Sare oo magaciisa la horkeenay si loo ansixiyo xilka loo magacaabay.

Waxaa aad u faafay muuqaal laga duubay Mathew Peterson oo si laga yaxyaxo uu uga jawaabayo su'aalaha xildhibaada.

Peterson oo markii dambe soo qorey warqadda uu kaga laabanayo xilka loo magacaabay ayaa sheegay in hadalheyntiisa ay marinkii ka habaabisay ujeedkii uu xilka u qaban lahaa.

Trump ayaa u magacaabay in uu noqdo garsoore heer federaal ah oo fadhiga degmada Colombia. Trump ayaa markii dambe aqbalay xil ka laabashadiisa.

Mr. Peterson ayaa xubin ka ah guddiga doorashooyinka ee xisbiga Jamhuuriga, waana qofkii ugu dambeeyay ee Trump uu garsoorka usoo magacaabo, balse meelmari waayay.

Su'aalo isweeydaarsiga

Senator Kennedy ayaa bilaabay in uu su'aalo weeydiiyo Mr. Peterson iyo afar kale qof oo magacyadooda lasoo gudbiyay, su'aashana waxa ay ahayd

"waligiin mid idinka mid ah xaakim maka noqday dacwad la horkeenay maxkamad?".

Kadib Mr Peterson kaligiis ayaa gacanta taagay.

Senator Kennedy : Waligaa maka qeybqaadatay dacwad xeerbeegti ah?

Methew Peterson : Maya , waligay kama qeybqaadanin

Senator Kennedy : Dacwad rayid ahna?

Mathew Peterson : Maya.

Senator Kennedy : Dacwad dambiyeedna?

Mathew Peterson : Maya

Senator Kennedy : Maxkamad gobol iyo mid federaal toona xaakim maka noqotay?

Mathew Peterson : Maya

Marka ay halkaas marayso ayaa la joojiyay dhagaysiga, iyada oo xildhibaanada ay markii dambe waraysiyo ay siiyeen taleefishinada ku dhaleeceeyeen Peterson iyo sida uusan waxbo u kala garanaynin.

Xildhibaan Kennedy oo laga soo doorto gobolka Louisiana ayaa yiri "Maadaamaa aad is garanaysaan wiilka aan adeerka u ahay ee Vinny, micnaheedu ma ahan in aad u qalantid in aad noqoto garsoore heer federaal ah" . Kennedy ayaa ka mid ah xildhibaanada taageersan Trump.

Inkasta oo dib u dhacyo badan uu qabsaday Trump, haddane waxa uu ku guuleystay in uu buuxiyo xilal garsoor oo banaan , oo uu ka mid yahay xaakim maxkamadda sare.

Mowduucyada la xiriira