Axsaabta gooni-goosadka Catalonia oo markale aqlabiyad helay

Axsaabta taageersan madaxbanaanida ayaa xaqiijistay kuraastooda Lahaanshaha sawirka NASA
Image caption Axsaabta taageersan madaxbanaanida ayaa xaqiijistay kuraastooda

Axsaabta gooni-goosadka ee Catalonia ayaa ku dhaw inay ku guuleystaan kuraasta baarlamaanka goboleedka cusub, tani oo wadada u xaareysa iska hor imaad xooggan inay la galaan xukuumadda Spain.

Balse xisbbiga dadka oo ah mid doonaya inuu kasii mid ahaado dowladda Spain ayaa ah xibsiga ugu weyn.

Sidaa awgeed, ma cadda cida ay noqon doonto inay soo dhisaan dowladda cusub.

Dowladda Spain ayaa laashay gooni-isu taaga Catalan, waxa ayna ku baaqday in la qabto doorasho kaddib markii ay ku dhawaaqday inay sharci daro ahayd aftidii madxbanaanida ee bishii Ocotobar.

Ku dhawaad guud ahan codadkii la tiriyay ee axsaabta taageersan madax banaanida ayaa dhammaan helay aqlabiyadda baarlamaanka gobolka, inkastoo ay lumiyeen kuraas ay horrey u haysteen.

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY
Image caption Xisbiga Puigdemont ayaa ah xisbiga ugu weyn ee gooni-goosadka ee Catalonia

Hoggaamiyihi hore ee Catalan Carles Puigdemont, oo isaga oo ku sugan Brussels hadlay ayaa waxa uu sheegay in "Jamhuuriyadda Catalan" ay guuleysatay " Xukuumadda Spain-na laga guuleystay".

Carles Puigdemont ayaa dacwad oogayaasha xukuumadda Spain waxa ay ku eedeeyeen fallaaganimo iyo qiyaano qaran.

Mowduucyada la xiriira