Dowladda Suudaanta Koonfureed oo heshiis la saxiixatay maleeshiyaad

Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir

Suudaanta Koonfureed ayaa heshiis xabad joojin ah la saxiixatay koox maleeshiyaad ah, taasi oo qeyb ka ah dadaalo la doonayo in lagu soo afjaro collaada afarta sano ka tagneyd dalkaasi.

Heshiiskan ayaa waxaa lagu saxiixay magaalada Addisababa ee dalka Itoobiya, waxaana garwadeen ka ahaa heshiskaasi urur goboleedka IGAD.

Heshiiskan ayaa waxaa kale oo uu dhigayaa in hey'daha gargaarka loo ogolaado inay gargaar garsiyaan dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay collaada South Sudan.

Dhowr heshiis oo horay loo saxiixay ayaa burburay, waxaana dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin na ay ku barakaceen dagaalka sokeeya ee ka qarxay Suudaanta Koonfureed oo lix sano kahor xurriyadda qaadatay.

Mowduucyada la xiriira