Cabbaas: Qeyb kama nihin wadahadallo uu Mareykanka hormuud ka yahay

Maxamuud Cabbaas Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maxamuud Cabbaas

Hoggaamiyaha Falastiiniyiinta ayaa gaashaanka u daruuray ka qeybgalka wax wadahadalo ah oo uu la galo Israa'iil oo uu Maraykanka hormuud ka yahay . wuxuu go'aankan qaatay kadib markii Maraykanka uu magaalada Qudus u aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.

Wuxuu hadlayay kadib codkii aqlabiyadda ahaa ee golaha jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee lagu cambaareeyay talaabada Maraykanka.

Maraykanka ayaa intii muddo bilo ahba waday qorista qorshe cusub oo wadahalado laga dhex bilaabo Israa'iil iyo Falastiiniyiinta.

Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay in Maraykanka aanan wixii hadda ka dambeeya laga aqbali karin in uu noqdo dhexdhexaadiye daacad ah, isaga oo diiday in uu qeyb ka noqdo qorshaha Maraykanka ee uu hormuudka ka yahay wiilka uu sodogga u yahay madaxweynaha Maraykanka Jared Kushner.

"Maraykanka waxa uu caddeeyay in uu yahay dhexdhexaadiye aan daacad ahayn, mana aqbali doono wax wadahadalko uu hormuud ka yahay" ayuu yiri Cabbaas.

Dal Afrika ku yaalla oo taageeray go'aankii Trump ee Qudus

Togo waa dalka keliya ah ee Afrika ee codkiisa ku taageeray go'aankii Trump uu Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda Israa'iil.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa cod u qaaday qaraar lagu dalbanayay in mareykanka uu ka laabto go'aanka Qudus.

Dalal badan oo Afrika ku yaalla sida Koonfur Afrika, Nigeria iyo Itoobiya waxay codkooda ku taageereen qaraarka ka dhanka ah Mareykanka.

Sidoo kale Ugandha, Rwanda iyo South Sudan ayaa ka gaabsaday qaraarka in ay u codeeyaan.

Arbacadii, Madaxweyne Trump wuxuu ku cagajugleeyay in kaalmada dhaqaalaha uu ka jari doono dalkii ka hor yimaadda go'aankiisa.

Sidoo kale, safiirkiisa Qaramada Midoobey u qaabilsan, Nikki Haley, waxay sheegtay in Mareykanka "uu qoran doono magacyada" dalalka ka hor yimaada, "si dhowna u eegayo" sida waddamada ay u codeynayaan.

Botswana oo saaxiib wanaagsan la ah Mareykanka waxay u codeysay qaraarka ka dhanka ah Trump, iyadoo iska indha tirtay handadaadda, waxayna sheegtay in aan loo cagajugleyn karin.

Togo waxay ka mid tahay sagaalka dal ee keliya ee diiday qaraarka Qaramada Midoobey. Dalalka kale waxaa ka mid ah Israel, Guatemala, Honduras, Jasiiradaha Marshall, Micronesia, Nauru, Palau iyo Mareykanka.

Qaraarka Golaha Loo dhan yahay ee Qudus

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si wayn u taageeray qaraarka Maraykanka ugu baaqaya in uu ka laabto in uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa'iil.

Warka qoraalka ah ayaa lagu sheegay in go'aankasta oo laga qaatay Qudus uu yahay mid aan waxba ka jirin, ayna waajib tahay in laga laabto.

Qaraarkan oo dhaqangalintiisu aysan qasab ahayn waxaa meelmariyay 128 dal, waxaa ka aamusay 35 dal waxaana ka soo horjeedsaday sagaal dal.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Trump uu ku goodiyay in uu kaalmada dhaqaale ka jari doono dalalka taageera qaraarkaas.

Siday u codeeyeen dalalka Qaramada Midoobay?

Waxaa qaraarkan ka soo horjeedsaday Maraykanka, Israa'iil, Guatemala, Honduras, the Marshall Islands, Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo.

Dalalka aan codkooda dhiibaninna waxaa ka mid ah Canada iyo Mexico

Dalalka taageeray oo ay ku jiraan xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobayna waxaa ka mid ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo UK iyo wali sidoo kale dalalka Muslimiinta ah ee xulafada la ah Maraykanka.

Codayntana waxaan soo xaadirin 21 dal.

Mowduucyada la xiriira