Qarax ka dhacay meel aan ka fogeyn xarrunta sirdoonka ee caasimadda Afghanistan.

Khariidadda Afghanistaan.
Image caption Khariidadda Afghanistaan.

Saraakiil ka tirsan dowladda waxaa ay sheegeen in saddex ruux ay ku dhinteen qarax oo uu geystay nin isa soo miidaamiyay.

Qaraxa ayaa dhacay xili dad badan oo ku nool caasimadda ay u socdeen shaqooyinka, ilaa iyo hadatana ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka.

Bishii May qarax ka dhacay aag diblumaasiyaded ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 150 qof.

Afghanistaan waxay wajaheysa weeraro goos goos ah oo kaga yimaada dagaalyahanada Taalibaan.