Ukraine iyo fallaagada oo isdhaafsaday maxaabiistii ugu badneyd

Waa maxaabiistii ugu badneyd ee ay isdhaafsadaan labada dhinac tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatay bariga Ukraine 2014 Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Waa maxaabiistii ugu badneyd ee ay isdhaafsadaan labada dhinac tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatay bariga Ukraine 2014

Dowladda Ukraine iyo fallaagada gooni u goosadka ee bariga waddankaasi ayaa isdhaafsaday boqolaal maxaabiis ah, taas oo ah middii ugu ballaarneyd tan iyo markii colaaddu ay bilaabatay 2014.

Ilaa 230 maxaabiis ah ayaa la geeyay goobaha ay ka taliyaan xoogagga mucaaradka halka Ukraine lagu wareejiyay 74 maxbuus oo gacanta ugu jiray kooxaha gacansaarka la leh Ruushka ee ku sugan gobollada Donetsk iyo Luhansk.

Waa isdhaafsigii ugu horreeyay ee la sameeyo muddo 15 bilood ah.

Siideentan iyo kala bedelashada maxaabiista ayaa waxa ay ka mid tahay qodobada heshiiskii nabadda ee Minsk ee la sixiixay sanadkii 2015.

Heshiiska ayaa waxaa ku yimid dib u dhac iyadoo dadka falanqeeya siyaasadda ay sheegayaan in heshiiska uusan keenin horumar ballaaran, oo labada dhinacba waxa ay weli kala haystaan maxaabis.

Tirada maxaabiista la isdhaafsaday ayaa ka yareyd inta markii hore la shaaciyay kaddib markii tobannaan qof oo ay aheyd in dib loogu celiyo aaggaga ay fallaagadu ka taliso ay diideen in ay aadaan dhanka kale.

"Qaar ka mid ah dadkaasi ayaa laga cafiyay dambiyadii ay galeen kaddibna waxaa sii daayay mas'uuliyiinta Ukraine, waxa ayna door bideen in ay ku nooladaan qeybta ay ka taliso dowladda Ukraine," Miladin Bogetic, afhayeenka Hay'adda Caalamiga ah ee Laanqeeyrta Cas oo ku sugan Ukraine, aya sidaa BBC-da u sheegay.

Mowduucyada la xiriira