Mareykanka oo dib u bilaabaya adeegga dal ku galka ee Turkiga

Codsiyada dal ku galka safaaradda Mareykanka ee Ankara ayaa waxaa la hakiyay bishii Oktoobar Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Codsiyada dal ku galka safaaradda Mareykanka ee Ankara ayaa waxaa la hakiyay bishii Oktoobar

Safaaradda Mareykanka ee Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay si buuxdo dib ugu bilaabi doonto adeegga lagu bixiyo dal ku galka ee waddanka Turkiga, kaddib markii sida la sheegay ay dowladda waddankaasi damaanad dhanka ammaanka ah ay siisay shaqaalaheeda.

Mareykanka ayaa waxa uu joojiyay dhammaan adeegyada dal ku galka ee dadka aan hijroonayn kaddib markii bishii Oktoobar la xiray mid ka mid ah shaqaalaha qunsuliyadda Mareykanka.

Shaqaalahaas ayaa waxaa loo xiray shaki ah inuu xiriir la leeyahay wadaadka lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay sanadkii la soo dhaafay.

Turkiga oo isna ka jawaabaya xayiraadda Mareykanka ayaa dhankiisa waxa uu xannibaadyo ku soo rogay safaaraddiisa Washington, taas oo haatan ay leedahay dib ayey u bilowday adeeggii dal ku galka.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee waddanka Mareykanka ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in wax badan laga qabtay arrinta ammaanka shaqaalaheeda, oo Turkigana uu siiyay damaanad heer sare ah.

Mowduucyada la xiriira