Sagaal ruux oo lagu dilay kiniisad ku taalla Qaahira

Laamaha amaanka ayaa sii ilaalinayay kiniisadda ka hor inta uusan weerarku dhicin Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Laamaha amaanka ayaa sii ilaalinayay kiniisadda ka hor inta uusan weerarku dhicin

Sagaal ruux ayaa dhimatay markii rag hubaysan ay weerareen kiniisad ku taalla koonfurta Qaahira, laakiin waxaa markiiba arrintan ka jawaabay booliiska, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saddex ka mid ah dadka dhintay waxay ahaayeen booliis, kuwaas oo shaqo u joogay kaniisadda Mar Mina.

Mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday ayaa la dilay, suun kuwa qarxa ah oo uu qabayna waa lakala furay, balse nin kale oo hubaysan ayaase maareeyay in uu goobtaasi ka baxsado.

Laamaha ammaanka ayaa toddobaadkan ku dhawaaqay qorshe ay ku sugayaan ammaanka xilliyada loo damaashaadayo sannadka cusub iyo Ciidda Qibdiyiinta.

Waxaana tallaabooyinkaas ka mid ahaa in la hawlgaliyo ciidammada xaaladaha degdegga ah ka jawaaba iyo qalabka lagu cunaqabateeyo isgaarsiinta oo dhan.

Weerarka Jimcahan ayaa u muuqda in uu ka dhacay markii booliis roondo ku samaynaya kiniisadda ay arkeen labo nin oo u dhaqmaya si laga shakiyo, sida ay ku warramayso weriyaha BBC-da Radwa Gamal oo Qaahira ku sugan.

Waxay soo abaareen nimanka, rasaas ayayna fureen. Waxaa jira warar sheegaya in ay dad badan dhaawacmeen labo ka mid ahna ay xaaladdoodu liidato.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qibdhiyiinta Masar ayaa wakhti dheer sheegayay in weerar lagu hayo

Weriyaha BBC-du waxay ku soo warramaysaa in suunka qarxa ee ninka la dilay laga helay uu tilmaamayo in la qorsheeyay weerar gaysta dhimasho intan ka badan.

Qibdhiyiinta Masar ayaa horay ugu eedeeyay xukuumadda in ay tilmaantay oo kali ah in ay ilaalin doonto ammaankooda, arrintaana ay xaallada uga sii dari karto.

Masar Muslimiinta ayaa aqlabiyad ku ah Kiristaanka laga tirobadan yahay oo Qibdhiyiin u badanna waxay bulshada ka yihiin 10%.

Mowduucyada la xiriira