Ra'isul wasaare cusub oo loo magacaabay dalka Mali.

Soumeylou Boubeye Maiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Soumeylou Boubeye Maiga

Madaxweynaha dalka Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa u magacaabay Raisul wasaraha dalkaasi wasirkii hore ee gaashan dhiga maalin uun ka dib iscasilaadii lama filaanka ahayd ee Raisul wasarihii dalkaasi.

Soumeylou Boubeye Maiga ayaa loo magacaabay ra'isul wasaaraha cusub ee dalkaasi Mali.

Soumeylou Boubeye Maiga ayaa xafiiska ka maqnaa oo iska casilay xilkiisa sanadii 2014-kii kadib markii ciidamada milatriga ay guldaro weyn kala kulmeen dagaalyahanada kooxda mucaaradka ah ee Tuareg.

Soumeylou ayaa badalaya Abdoulaye Idrissa Maiga oo dalkaasi Raisul wasaare ka ahaa muddo ka yar sanad.

Arrintani ayaa la filaayay in ay hormuud u noqto ololaha doorashada ee madaxweyne Ibrahim Boubacar.

Doorashada dalka Mali ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto sanadda 2018.

Mowduucyada la xiriira