Dadka lagu dilo New York, Chicago iyo Washington oo hoos ugu dhacay 1052 sannadkiii 2017kii

Booliis Lahaanshaha sawirka Getty Images

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay si wayn hoos ugu dhacday tirada dadka rabshadaha ugu dhinta saddex magaalo oo waawayn oo ku yaalla Maraykanka, kuwaas oo kala ah New York, Chicago iyo Washington sannadkii 2017kii.

Magaalada New York oo kali ah waxaa lagu dilay 286 ruux, tiradaas ayaana ah meeshii ugu hoosaysay ee uu dilku gaaro tan iyo 1950yadii.

Tirada dadka ku dhintay Washington ayaa si wayn hoos ugu dhacday halkii ay 135 ka ahayd 2016kiina wuxuu ka noqday 116.

Magaalada Chicago oo ah magaalada saddexaad ee Maraykanka ugu waynna 16% ayay hoos u dhacday waxaana lagu dilay 650 ruux.

Laakiin dilalka magaaladaas ka dhacay ayaa wali ka badan dilalka ka dhacay New York iyo Los Angeles oo la isku daray.

Booliiska magaalada Chicago ayaa hoos u dhaca dhimashada la xiriiriyay adeegsiga tiknoolajiyadda iyo in waddooyinka la dhigay booliis dheeri ah.

Marka laga soo tago warkaas wanaagsan magaalooyin ay ka mid tahay Baltimore waxaa sare u kacay dadka lagu dilo meeshii ay 2016ka ahayd 318 ruuxna waxaa 2017ka lagu dilay 343 waxaana ugu wacan dhibaatada daroogada iyo xiisadda midabka la xiriirta.

Mowduucyada la xiriira