Somaliland oo bilowday inay timaha ka jarto dhalinyarada xiirta jeegada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo billowday inay timaha ka jarto dhallinyarada jeegada xiirata

Booliiska Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday qabqabashada dhallinyarada jeegada u xiiran, iyagoo markay qabtaanna timaha ka jaraya.

Arrintaasi ayaa noqotay mid ay dadku isla dhex marayaan, iyadoo dadka qaar ay taageerayaan kuwo kalena ay ka soo horjeedaan.

Haddaba si aan arrintaasi wax uga ogaano ayaa waxaan ka wareysannay Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo ah wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee Somaliland, wuxuuna u warramay weriyaha BBC-da Cabdinaasir Axmed Sheekh Bashiir (saxansaxo).