Nin booliiska Maraykanka ku shirqoolay in ay dilaan nin ay is qabteen

Booliiska ayaa soo bandhigay codkii iyo muuqaalkii ay kaamirada booliiska duubtay markii uu falka dhacayay Lahaanshaha sawirka WICHITA POLICE DEPARTMENT
Image caption Booliiska ayaa soo bandhigay codkii iyo muuqaalkii ay kaamirada booliiska duubtay markii uu falka dhacayay

Booliiska dalka Maraykanka ayaa xiray nin la sheegay in uu taleefoon u diray booliiska, kuna wargaliyay in nin uu soo weeraray gurigooda, dilay aabihiis, islamarkaasna afduub ku qabsaday qoyska intooda kale.

Markii ay booliska yimaadeen ayay toogasho ku dileen ninkii loo sheegay oo lagu magacaabo Andrew Finch oo ku sugnaa guri ku yaala magaalada Wichita ee gobolka Kansas.

Labada nin ayaa la sheegay in ay dheelayeen ciyaar xagga qadka ah oo lagu magacaabo Call of Duty, taas oo ay ku murmeen, kadibna mid ka mid ah uu kii kale shirqool u dhigay, booliiskana ugu wacay.

Lahaanshaha sawirka Wichita police department facebook
Image caption Troy Livingston waa ku xigeenka madaxa booliiska degmada Wichita oo warbaahinta la hadlaya

Caadi ahaan marka booliiska Maraykanka loogu woco qof hubeysan oo dil geystay ama dad afduub ku haysta, ayay kana jawaabaan si degdeg ah, talaabo adagna ka qaadaan qofkaas. Iyagoo u diyaar garooba isku dhac hubaysan, iyagana gacanta ku hormaraan.

Cod laga duubay wicitaankii uu sameeyay ninka oo booliiska soo bandhigeen ayaa muujinaya xaalad halis ah oo uu nin ka sheekeynayo in uu diley aabihiis, islamarkaasna qoyska intooda kale afduub u qabsaday.

Booliiska ayaa sheegay in ay xireen Tyler Barriss oo lagu tuhunsanyahay in uu yahay qofka wicitaanka sameeyay, booliiskana ku hagay guriga Finch.

Lahaanshaha sawirka CITY OF GLENDALE
Image caption 25 jirkan oo lagu magacaabo Tyler Barriss ayaa loo xiray falka dhacay

Waxa ay intaas ku dareen in markii ay guriga tageen , ay hareereeyeen, uu albaabka yimid Finch, kadibna uu ka dhego adeegay amaradii la siiyay, taasna ay kaliftay in ay booliiska rasaasa ku furaan.

Arrimaha nooca oo kale ah oo booliiska la'isugu yeero si shirqool ah ayaa ku badan dalka Maraykanka, waxayna booliiska ka digeen halista arrimaha ceynkan ah.