Milateriga Soomaaliya oo qaaday xannibaado iyo jidgooyooyin yaallay bartamaha magaalada Gaalkacyo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Milateriga Soomaaliya oo qaaday jidgooyooyin yaallay bartamaha magaalada Gaalkacyo

Ciidamo ka kala socda qaybaha 21aad iyo 54aad ee milateriga Soomaaliya ayaa qaaday xannibaado iyo jidgooyooyin yiillay bartamaha magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan suuqa magaalada, arrintaasoo daba socota heshiis dhawaan lagu gaaray in la furo dhamaanba waddooyinkii magaalada ee ku xirmay dagaalladii iyo isku dhacyadii dhex maray labada dhinac.

Heshiiska wuxuu dhacay dabayaaqada sannadkii hore. Sababta ilaa wakhtigan ay u qaadatay qaadidda jidgooyooyinka ayuu Faarax Lamaane ka waraystay taliyaha qaybta 21aad ee xoogga dalka Jen. C/laahi Aadan Xuseen (cirro).

Kaasi waxa uu ahaa Jen. C/laahi Aadan Xuseen (cirro) oo u waramayay faarax lamaane.