Yusuf Garaad iyo wasiirro kale oo xilka laga qaaday

Yusuf Garaad Lahaanshaha sawirka YUSSUF GARAAD/FACEBOOK
Image caption Yusuf Garaad

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isbedel ku sameeyay golihiisa wasiirrada, wuxuuna xilalka ka qaaday saddex wasiir.

Warbixinta ka soo baxday xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo uu akhriyay wasiirka warfaafinta waxaa lagu sheegay in xilalka laga qaaday wasiirrada kala ah, Yusuf Garaad (Arrimaha dibadda), Khadra Axmed Ducale (Ganacsiga iyo warshadaha) iyo Cabdi Saciid Faarax (Arrimaha Gudaha).

Xilalka laga qaaday wasiirradaasi waxaa loo kala magacaabay

1. Maxamed Cabd Xayir Maareeye, Ganacsiga iyo warshada

2. Cabdi Maxamed Sabriye, arrimaha gudaha

3. Danjire Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibedda

Yusuf Garaad Cumar oo bartiisa Facebook soo dhigay warbixin ayaa sheegay in uu aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyay, balse wuxuu sheegay in aanan lagu soo wargelin ee dadkale uu ka maqlay.

"Qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanka ayaa ii sheegay in xilka la iga qaaday. Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra'iisal Wasaaraha inkasta oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan", ayuu yiri Yusuf.

Wuxuu in taa ku daray "Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aniga iyo Wasiiru Dowluhu waxaan ku daahnay xalay howl uu Ra'iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hor dhigo Golaha Wasiirrada."

Lama oga sababta rasmiga ah ee wasiirradan isbedelka loogu sameeyay, balse waxaa jira warar sheegaya in khilaaf siyaasadeed uu soo jiray dhowaanahan.

Saddexda wasiir ee cusub waxay ka mid ahaan jireen golihii wasiirrada ee dowladihii hore, lamana garanayo sababta uu ra'iisul wasaare Khayre uu ku xushay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan