Trump waa "canug, kalsoonina malahan"

Trump iyo Gabadhiisa Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Trump iyo Gabadhiisa

Ninka qoray buugga muranka dhaliyay ee ku saabsan Aqalka Cad ee Trump uu ka arrimiyo ayaa sheegay in madaxweynaha "uu ka kalsooni yaryahay qofkasta oo dunida ku nool, sida dadka ay moodaanna uusan ahayn".

Michael Wolff, oo dhowr bilood ka shaqeynayay Aqalka Cad intii buugga uu qorayay, wuxuu ka jawaabayay sheegashada madaxweynaha oo ah in buugga ay ka "buuxaan waxyaabo been ah".

Qareennada madaxweyne Trump waxay isku dayeen in ay hor istaagaan daabacaadda buugga loogu magacdaray Fire and Fury "Dab iyo Carro": Wuxuuna ka hadlayaa xaaladda gudaha xafiiska Trump.

Buugga ayaa hadda suuqa soo galay waana la iibinayaa.

Mr Wolff wuxuu telefishinka NBC u sheegay in "dhammaan shaqaalaha Trump ay dhahaan 'wuxuu la mid yahay canug".

Wuxuu intaa ku daray: "Waxa ay taasi ula jeedaan in uu markasta u baahan yahay in la quudiyo. Wax kasta isaga ayey ku saabsan yihiin... Ninkan wax ma akhriyo, waxna ma dhageysto. Wuxuu la mid yahay kubad bannaanka uga baxday garoonka."

Buugga waxaa qeyb ka ah kaaliyihii Trump u qaabilsanaa istiraatiijiyadda, Steve Bannon, oo qeexay "kulan ka dhacay" dhismaha Trump Tower ee New York, oo u dhexeeyay saraakiishii ololihii Trump iyo wiilkiisa iyo sidoo kale Ruushka. Wuxuu shirkaasi ku tilmaamay "qiyaano qaran".

Sidoo kale wuxuu buugga dhigayaa in Trump uu la yaabay in uu guul ka gaaray doorashadii madaxtinimo.

Mr Wolff wuxuu sheegay in "aysan caadi ahayn" in madaxweynaha Mareykanka uu isku deyay in uu joojiyo daabacaadda buuggiisa.

Wuxuu sheegay in uu difaacayo sax ahaanta wax kasta ee uu qoray, ka dib markii Madaxweyne Trump iyo dad kale ay su'aal geliyeen xaqiiqada iyo sax ahaanshaha waxyaabaha uu ku qoray buugga iyo dadka uu wareystay.

Mr Trump wuxuu ku doodayaa in uusan ogolaan in Mr Wolff uu galo Aqalka Cad, weligiina uusan kala hadlin arrimaha buugga.

Wolff wuxuu ku jawaabay: "Maxaan halkaas ka sameynayay haddii uusan rabin in aan xafiiskiisa joogo? Waan la hadlay madaxweynaha... ma ahayn mid qarsoodi ah."

Waxaa la weydiiyay isku dayga la doonayay in buugga lagu joojiyo, iyo magaca uu ka helay in ay caawiyeen in buugga la iibsado wuxuu yiri: Halkeen u diraa shukulaatada hadaba?"

Maxaa buugga ku qoran?

  • Buugga oo la yiraahdo Fire and Fury: Inside the Trump White House, waxaa ku qoran arrimo aad xaasaasi u ah sida:
  • In Bannon uu aaminsan yahay in kulan dhex maray Donald Trump Jr iyo koox Ruush ah uu ahaa "khiyaano qaran".
  • In kooxda Trump ay ka naxeen oo ka anfariireen guushii uu ka gaaray doorashada.
  • In xaaskiisa, Melania, ay ilmaysay habeenkii doorashada.
  • In Mr Trump uu ka xanaaqsanaa in xiddigaha caanka ka ah Maraykanka ay caleemasaarkiisa ka maqnaayeen.
  • In Aqalka cad uu yahay "meel laga welwelo ama xataa laga yara baqo".
  • In gabadhiisa, Ivanka, ay iyada iyo ninkeeda Jared Kushner qorshaynayeen inay noqoto "marwada 1aad ee madaxweynaha".

Waxaa la sheegay in buugga uu ka kooban yahay illaa 200 oo wareysiyo, laakiin qaar ka mid ah ayaa la dhalleeceeyay waxaana la geliyay su'aal.

Balse, haddii xitaa bar ka mid ah buugga uu run yahay, waxay sawir ka bixineysaa muuqaalka xun "ee nacasnimada madaxweynaha iyo Aqalka Cad oo isku qasan", sida uu sheegay tafatiraha BBC ee Waqooyiga Amerika, Jon Sopel.

Sidee looga fal-celiyay buugga?

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump oo dhex fadhiya xafiiska Oval ee Aqalka Cad

Mr Trump wuxuu sheegay in uusan Mr Wollf u ogolaan in uu Aqalka Cad gudaha ugalo, uusanna kala hadlin buugga oo uu ku tilmaamay "mid ay ka buuxaan been iyo wakiillo iyo marqaatiyo aan jirin".

Wuxuu sheegay Trump in Mr Bannon - oo shaqada laga tiray bishii August - uu "caqliga ka tagay" ka dib markii uu waayay xilkiisii Aqalka C

Balse Mr Bannon oo ka jawaabay eedda madaxweynaha wuxuu sheegay in uu yahay "nin wanaagsan" uuna taageeray Trump "Habeen iyo maalin".

Mr Trump oo Khamiistii la weydiiyay in ninkii u qaabilsanaa istiraatiijiyadda uu khayaanay wuxuu ku jawaabay: "Ma garanayo, wuxuu igu tilmaamay nin fiican xalay, marka waxaa iska cad in si degdeg ah uu maskaxdiisa u badalay."

Xubin ka tirsan Jamhuuriga Rebekah Mercer, oo sidoo kale ay isla shaqeeyeen Mr Bannon ayaa dhankeeda buugga cambaareysay.

  • Afhayeen u hadlay Melania Trump wuxuu sheegay in ay saygeeda ku dhiiragelisay tartanka xilka madaxweynaha, ayna ku faraxsan tahay in uu ku guuleystay
  • Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders, wax kama jiraan ayey ka soo qaaday buugga oo ay ku tilmaamtay "sheeko mala awaal ah" oo laga buuxiyay "been iyo marin habaabin".
  • Khamiistii, Maamulka Aqalka Cad wuxuu sheegay in uu dhanka Galbeedka ee dhismaha laga mamnuucay qalabka dadka ay sitaan sida mobile-lada oo ay sheegeen in amni xumo ay sababeen.ad.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan