Trump: Hantida ugu muhimsan ee aan haysto waa daganaashiyaha Maskaxeed

Donald Trump Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Donald Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa isku tilmaamay in uu yahay Cabqari deggan isaga oo si caro leh uga jawaabay buugga laga qorey.

Buuga ayaa dhaliilaha madaxwaynaha loo soo jeediyay waxaa ka mid ah in uusan ka adkayn shaqada loo igmadey ee xilka madaxweynaha dalka mareykanka.

Madaxwayne Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in labada arrin ee uu ku sifeysan yahaay ay yihiin in maskax ahaan uu deggan yahay islamarkana uu fariid yahay.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in uu guulo ka gaaray dhanka ganacsiga islamarkana uu ahaa xidig dhanka telefishanada ah.

  1. Dood ku saabsan 'caafimaadka maskaxeed' ee Trump
  2. Donald Trump: 'Kim Jong-un waa nin xariif ah'
  3. Tillerson;Shaki kama qabo caafimaadka Maskaxda Trump

Qoraaga buugga Michael Wolff ayaa BBC u sheegay in buugiisu aakhirka sabab u noqon doono in xilka uu waayo madaxweyne Trump.

Qoraallo uu bartiisa Twitter soo dhigay ayuu ku adkaystay Mr trump in deganaanshiyo maskaxeed ay tahay hantida ugu muhiimsan ee uu haysto.

Mowduucyada la xiriira