Merkel oo bilaabaysa wadahadallo ay ku soo dhisayso xukuumad wadaag ah

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ayaa ku dadaalaysa sidii ay ku soo dhisi laheyd xukuumad muddo dheer jirta Lahaanshaha sawirka THIERRY ROGE/AFP/GETTY IMAGES
Image caption Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel ayaa ku dadaalaysa sidii ay ku soo dhisi laheyd xukuumad muddo dheer jirta

Hogaamiyaha Jarmalka, Angela Merkel, ayaa waxa ay maanta bilaabaysaa wadahadallo cusub oo xasaasi ah oo ay ku doonayso inay xukuumad wadaag ah ku soo dhisayso, si ay u soo afjarto ismarinwaaga siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.

In ka badan muudo saddex bilood kaddib markii la qabtay doorashadii baarlamaanka, ayuusan Jarmalku weli dhisin xukuumad cusub.

Wadahadallada shanta maalmood socon doona ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya xisbiga Mrs Merkel ee Christian Democrats (CDU), xisbiga ay gacansaarka leeyihiin ee Christian Social Union (CSU) iyo midka Social Democrats (SPD).

Khubarada ayaa sheegaya in tani ay malaha tahay fursaddii ugu dambaysay ee ay ku soo dhisayso xukuumad ku dhisan isbahaysi sal adag.

Xisbiga bidix dhexe ee SPD ayaa xisbiga Merkel ee midig dhexe si wadajir ah ay u wada maamulayeen dowladda sideed sanno oo ka mid ah laba iyo tobankii sanno ee ugu dambaysay ee ay Jarmalka hogaaminaysay Merkel.

Hasayeeshee natiijadii liidatay ee ka soo baxday doorashooyinkii Sibteembar ayaa waxa ay ku dhalisay hogaamiyaha xisbiga SPD, Martin Schulz inuu xisbigiisa uu isu badelo mucaarad.

Haddaba hogaamiyaha Jarmalka waa inay ku qancisaa hogaamiyayaasha xisbiga SPD inay wada leeyihiin yool ay hiigsanayaan si ay u bilaabaan wadaxaajoodka lagu sameynayo xukuumad wadaag ah bisha Maarso ama bisha Abriil.

Xulafada Midowga Yurub, sida Faransiiska, kaas oo Jarmalka u arka inuu yahay tiirka isu dheeli tira midowga ayaa Merkel u rajaynaya inay guulaysato.

Mowduucyada la xiriira