Waddooyinka Hargeysa oo dib u habayn lagu samaynayo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waddooyinka Hargeysa oo dib u habayn lagu samaynayo

Duqa Magaalada Hargeysa Cabdiraxman Maxamuud Caydiid ayaa ku dhawaaqay in jidadka magaalada Hargeysa oo dhan ay saarayaan laami casri ah oo waqti dheer jiraya.

Shacabka magaalada ayaa dhawaanahan ka cabanayay saxmadda gawaarida ee ka jirta qaybo ka mid ah magaalada iyo waddooyin xumo kale.

Waxaa kale oo uu ka warramay kooxaha dabdamiska ee Hargeysa dhowaan yeelatay oo aad loo qalabeeyay iyo cashuurta guryaha dadweynaha ee sanadkan oo dadweynaha qaarkood ay ka cawdeen ka dib markii sare loo qaaday.

Wuxuun arrimahaas uga warramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo ugu horeyn weydiiyay tirada jidadka ay dhawaan hagaajiyeen.

Mowduucyada la xiriira