Somaliland oo siyaasaddeeda ka dhaadhicinaysa Britain
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo siyaasaddeeda ka dhaadhicinaysa Britain.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaqday madaxbanaabida ee Somaliland, Sacad Cali Shire, ayaa magaalada London kula kulmay xubno ka mid ah baarlamanka UK.

Wuxuu BBC u sheegay inuu kala hadlay halka ay Somaliland siyaasadeedu ku wajahan tahay, gaar ahaan wixii ka dambeeyey doorashadii madaxtinimada ee Somaliland ka dhacday Nofembar 2017.

Waa socdaalkii ugu horreeyey ee wasiirku uu Britain ku tago tan iyo markii uu hogaanka qabtay Muuse Biixi Cabdi.

Wuxuu kaloo ka hadlay wixii ay ka wada hadleen iyaga iyo wafdi Iimaaraadka ka socday oo dhawaan Hargaysa tegey. C/xaafid Cawil Ismaaciil ayuu u warramay.

Mowduucyada la xiriira