Tuuniisiya oo 70 milyan oo doolar ku caawin doonta qoysaska saboolka ah

Hal qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa loo xiray dibadbaxyada ka soconaya Tuunisiya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Hal qof ayaa ku dhintay boqolaal kalena waa loo xiray dibadbaxyada ka soconaya Tuunisiya

Dowladda Tuuniisiya ayaa ku dhawaaqday in 70 milyan oo doolar oo dheeraad ah ay ku bixin doonto caawinta qoysaska uu yar yahay dakhliga soo gala.

Arrintan ayaa imanaysa maalma un kaddib markii ay dalkaasi oo dhan ka dilaaceen dibadbaxyo loogaga soo horjeedo barnaamijka gunti isku giijiska dhaqaalaha.

Hal qof oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha ayaa Isniintii ku dhintay iskudhacyo dhexmaray ciidammada ammaanka iyo mudaharaadayaasha, halka in ka badan 700 oo qof oo lagu eedeeyay inay qalqalaase wadeenna xabsiga loo taxaabay.

Dowladda Tuuniisiya ayaa isku dayaysa inay ka khafiifiso qoysaska uu yar yahay dakhliga soo gala meel marinta sharciga cusub ee dhanka dhaqaalaha kaas oo sare u qaaday qiimaha lagu kala iibsado qaar ka mid ah alaabaha iyo kuwa lagu gato adeegyada, taa badelkeedana waxa ay sare u qaadday canshuuraha la saaro alaabaha la soo dhoofiyo.

Wasiirka Arrimaha Bulshada ee waddanka Tuuniisiya ayaa sheegay in 250,000 oo qoys ay ka faa'iidaysan doonaan kharashka gargaarka ah ee gaaraya 70-ka milyan ee doolar.

Saraakiisha dowladda iyo midowga ururrada shaqaalaha ayaa maalintii Sabtida waxa ay ka wadahadleen isbadellada lagu sameynayo dhaqaalaha ee ay tahay in la qaato.

Dhaqaalyahannada Tuuniisiya ayaa sheegay in waddanka uu u baahan yahay qorshe lagu sameynayo isbadel ballaaran si wax looga qabto hoos u dhaca dhaqaalaha ee mustaqbalka fog.

Dibadbaxyo kooban ayaa Sabtidii ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Tuunis iyo bartamaha magaalada Sidi Bou zid.

Inta badan dadka todobaadkan isugu soo baxay waddooyinka ayaa waxa ay sheegayaan inay doonayaan in sharciga cusub ee dhaqaalaha meeshaba laga saaro.