Dad ku dhintay dab ka kacay Portugal

Image caption Ilaa 35 qof ayey waxyeello ka soo gaartay, 6 ka mid ahna way liitaan.

Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhintay, tobanaanna dhaawacyo ayaa ka soo gaaray ka dib markii uu qarax ka dhashay dab ka shidnaa xarun bulsho oo ku taalla waqooyiga Portugal.

Dabka ka kacay Vila Nova da Rainha ayaa billowday markii qalab biyaha kululeeya oo dhismaha ku jiray uu qarxay, sida uu sheegay duqa magaalada.

Ilaa 60 qof ayaa xarunta wakhtigaas ku sugnaa, kuwaasoo ku mashquulsanaa cayaar, halka qaarna ay TV daawanayeen.

Dabka waxaa la sheegay inuu qabsaday saqafka sare, ka dibna uu fiday, ayadoo dadku ay anfariireen.

Vila Nova da Rainha waxay u dhowdahay magaalada Tondela, taasoo qiyaastii 260 KM waqooyi bari ka xigta magaalada caasimadda ee Lisbon.

Duqa magaalada Tondela, Jose Antonio Jesus, ayaa u sheegay wargayska Publico in dabku uu sababay xaddi badan oo ah Carbon Monoxide.

Ilaa 35 qof ayey waxyeello ka soo gaartay, kuwaasoo 6 ka mid ah ay liitaan, sida ay warbaahinta maxalliga ku warramayso.

Image caption Dhaawacyada ayaa loo qaaday Lisbon iyo Porto

Dadka badidood ayaa ah kuwo gubasho qaba, halka qaar kalena ay qiiq neefsadeen.

Dhaawacyada ayaa loo qaaday magaalooyinka Lisbon iyo Porto sida ay qortay shabakadda Diario de Noticias.

Tiro shaqaalaha dab damiska ayaa halkaa loo diray, waxayna ku qaadatay muddo saacad ah inay dabka bakhtiiyaan.

Deegaanka Tondela ayaa waxaa bishii Oktoobar ee kal hore waxyeello u gaystay dab ka kacay keymo, saraakiishuna waxay ku tilmaameen dhimashada u dambaysay "musiibo cusub".

Mowduucyada la xiriira