Odayaal ku gacan saydhay heshiiska maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Odayaal ku gacan saydhay heshiiska maamullada Galmudug iyo Ahlu Sunna

Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxa maanta ka furmaya shir looga hadlayo hirgalinta heshiiskii Jabuuti iyo Muqdisho ku dhexmaray maamulada Ahlu-Sunna iyo Galmudug kaas oo dhigayay in la mideeyo labada maamul iyo labada ciidan loona guuro caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay gacanta ku hayaan kooxda islaamiga ah ee qunyar socodka ah ee Ahlu-Sunna Waljamaaca.

Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullahi Farmaajo ayaa ku sugan Dhuusamareeb isagoo ka qaybgali doona furitaanka shirka hergalinta heshiiska Galmudug, haseyeeshee inataanu madaxweynuhu shalay ka soo ambabixin magaalada Cadaado waxa uu la kulmay odayaasha magaalada oo sheegay in heshiiska cusub aan la isku waafaqsanayn isla markaana dhinacooda aanay ka qaybgali doonin hirgalintiisa.

Odayaasha la kulmay madaxweyne Farmaajo intaanuu Cadaado ka ambabixin waxa kamid ahaa Nabadoon Cali Yare Axmed Khayre, weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibrahim Maxamad Aadan ayuu uga waramay kulanka ay madaxweynaha la qaateen iyo waxyaabaha ay ku diidanyihiin heshiiska Galmudug.

Mowduucyada la xiriira