Uganda oo kaydka dhiig uu gabaabsi yahay

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption .

Waaxda caafimaadka dalka Uganda ayaa ka digtay in uu si aad ah u hooseeyo dhiiga yaala goobaha lagu keydiyo dhiigga bukaanada lagu shubo.

Xarunta lagu kaydiyo dhiiga ee ku taalla caasimada Kampala ayaa la sheegay in dhiiga yaraan ay ka jirto oo dhiiga yaalla xaruntaasi uu gabaabsi yahay .

Goobtani ayaa la sheegay in ay hadda taallo boqol xabo halkii horey ay halkaasi u yaali jireen kun xabo iyo ka badan taasi oo maalinkii loo baahan yahay.

Madaxa ururka caafimaadka Uganda Dr Mukuzi Muhereza, ayaa BBC u sheegay in isbataalada ay baajinayaan qalliin ay ahayd in ay sameeyaan,taasi oo halis galin karta noolasha dad badan.

  1. Buuq baajiyay kalfadhigii Baarlamaanka Uganda
  2. Boqor reer Uganda ah oo argagixisanimo lagu eedeeyay
  3. Jaamacadda ugu wayn dalka Uganda oo la xiray

Wasiirka caafimaadka Uganda Sarah Opendi ayaa sheegtay in ay codsadeen lacago dheeraad ah si dib loogu soo celiyo tirada dhiiga ee loo baahan yahay.

Balse waxa ay sheegtay in arintaasi ay sidoo kale tahay mid ku xiran dadka oo looga baahan yahay in ay dhiig ku deeqaan.

Mowduucyada la xiriira