Dowladda Ghana oo digniin u jeedisay Shirkadda British Airways

Shirkadda British Airways ayaa duulimaadyo toos ah ku tagta Ghana Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shirkadda British Airways ayaa duulimaadyo toos ah ku tagta Ghana

Wsaiirka duulista hawada ee Ghana Cecelia Dapaah ayaa uga digtay shirkadda diyaaradaha ee British Airways in ay wajihi karto mamnuucid, ka dib markii mid ka mid ah diyaaradaheeda lagu arkay Kutaan.

Wargays ka soo baxa dalka Britain ayaa qoray in mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda British Airways oo duulimaad ku kala bixinaysay London iyo Accara la hakiyay muddo 4 saacadood ah ka dib markii kuraasta diyaarada lagu arkay cayayaan qulqulaya.

Shirkada diyaaradaha ee British Airways ayaa sidoo kale bayaan ka soo saartay arrintan.

Shirkadda ayaa sheegtay in dhacdadani ay tahay mid dhif iyo naadir ah islamarkana khubaro loo saaray si ay tillaabo degdeg ah u qaadaan.

Shirkadda British Airways ayaa duulimaadyo toos ah ugu kala gooshta UK iyo Ghana.

Saraakiisha shirkadda ayaa BBC u sheegay in Ghana ay u tahay goob muhim ah oo ay diyaaradahooda duulimaad ku tagaan.

Mowduucyada la xiriira