Turkiga oo duqeymo ka geystay woqooyiga Suuriya

turkiga Lahaanshaha sawirka AFP

Turkiga ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku qaaday bartilmaameedyo maleeshiyaadka kurdiyiintu ay ku leeyihiin woqooyiga dalka Suuriya.

Milatariga Turkiga ayaa sheegay in dhawr diyaaradood oo kuwa dagaalka ah ay weerar ku qaadeen maleeshiyaadka Kurdiyiinta Suuriya ee YPG.

Warbaahinta dowladda Turkiga ayaa sheegeysa in maleeshiyaad reer Suuriya ah oo uu Turkigu taageero ay guluf dhanka dhulka ka billaabeen gobolka Afrin oo uu maamulo isbahaysiga SDF ee uu Mareykanka taageero.

Sarkaal Kurdi ah ayaa sheegay in duqeymaha lala beegsaday guryo ay deggan yihiin dad rayid ah balse Turkida ayaa sheegaya in ay beegsadeen bartilmaameedyo argagixiso.

Wasaaradda arrimaha dibadda Ruushka ayaa walaac ka muujisay hawlgalka Turkiga waxa ayna ku baaqday in xiisadda la dejiyo.

Turkiga ayaa horey u ballan qaaday in uu la dagaallami doono ciidamo Kurdiyiin u badan oo Mareykanka uu ka abaabulayay gobolkaasi Afrin ee xudduudda Turkiga la wadaago Suuriya.

Mowduucyada la xiriira