Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga oo dalka Yemen u ballan qaaday gargaar

Macluusha ka jirta Yemen oo caruur badan saameysay
Image caption Macluusha ka jirta Yemen oo caruur badan saameysay

Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ee la dagaalamaaya Xutiyiinta Yeman ayaa ballan qaaday in ay bixin donaan lacag dheeraad ah oo dhan hal bilyan iyo bar doolar oo ay ku caawinayaan dalka Yeman si loogu xaliyo musiibada bini'aadanimo ee ka taagan dalkaasi.

Waxay sidoo kale shegeen in ay furi doonaan waddo cusub oo ay maraan hey'adaha gargaarka, ayna ballaarin doonaan baaxadda dekadaha Yeman.

Qaramada midoobay ayaa ka digtay in malaayin qof oo dalkaasi jooga ay noolashooda halis ku jirto macluusha halkaasi ka jirto awgeed ee uu dagaalka sababay iyo xayiraada saaran dekedaha.

Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa wajahaaya dhaleeceyn ku aadan in shacab ay ku laayeen duqeymaha diyaaradaha ee ay ka wadaan dalkaasi Yeman.

Mowduucyada la xiriira