BBC oo la hadashay farsamayaqaanka ugu da'da yar Jigjiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Farsamayaqaanka ugu da'da yar Jigjiga oo BBC la hadlay

Yaasir Cabdullaahi Maxamed waa wiil 14 jir ah oo farsamayaqaan ah isla markaana iskudayay in uu sameeyo waxyaabo badan sida tooshashka ileyska cadceedda ku shaqeeya, iyo diyaarado kaartoon ka samaysan iyo waxyaabo kale oo dadka reer Jigjiga ay u soo daawasho tagaan.

Yaasir waxa uu taageero badan ka helaa aabihii oo waxyaabaha uu sameeyo geeya meelaha dadku isugu yimaadaan.

Haddaba weriyaha BBC-da uga soo warramay Jigjiga Cabdinaasir Sheekh Maxamed Xikam ayaa la kulmay Yaasir iyo aabihii, waxa uuna Yaasir weydiiyay waxyaaba uu sameeyo.

Mowduucyada la xiriira