Sacuudiga oo balanqaaday 1.5 bilyan oo doolar oo ay ugu deeqayaan Yaman

1.8 milyan oo caruur ah ayaa waxaa ku habsatay nafaqo daro dalka Yamen Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption 1.8 milyan oo caruur ah ayaa waxaa ku habsatay nafaqo daro dalka Yamen

Isbahaysiga ay Sacuudiga hogaamiyaan ee ka dagaalama dalka Yaman ayaa balanqaaday lacag dhan $1.5bilyan oo doolar, taasi oo ah lacag arrimahha bina'aadanimada loogu talagalay.

Deeqdani ayaa kordhinaysa baaxadda dekadaha dalka Yaman si looga soo dajiyo shixnadaha gargaarka.

Waxaa sidoo kale la furi doonaa 17 goob oo marin u noqo doona hay'adaha gargaarka.

Saddex sano oo colaad ay ka socotay dalka Yaman iyo go'doomin ay soo rageen isbahaysiga Sacuudiga ayaa sababay waxa ay Qaramada Midoobay ugu yeertay "dhibaatadii bina'aadanimo ee ugu darnayd ee caalamka soo marta.

22.2 milyan oo qof oo ku nool dalka Yamen ayaa u baahan gargaar.

  1. UN: Yaman waxay la silci doontaa macluul sanadkan 2017-ka
  2. Cali Cabdalla Saalax oo "lagu dilay" dagaal ka dhacay Yaman
  3. 'Yemen waxay qarka u saarantahay inay burburto'

Dadkan gargaarka u baahan waxaa ka mid ah 8.4 milyan oo qof oo aan haysan wax cunno ah kuwaasi oo macaluul qarka u saaran.

Sidoo kale dalka Yaman ayaa la dalaa dhacaya cudurka Daacuunka oo ka dilaacay dalkaasi , waxaana u dhintay muddo sanad ah in ka badan 2,244 qof.

Xulufadda uu Sacuudiga hogaamiyo ayaa Yaman kula dagaalamaya kooxda Xuutiyiinta oo la sheego in ay taageero ka helaan dowladda Iiraan.

Mowduucyada la xiriira