Filimka cusub ee boqorka Muslimka iyo boqoradda Hinduuga ee muranka dhaliyay

Padmavati waa boqorad Khiyaali ah qarnigii 16 Lahaanshaha sawirka VIACOM18 MOTION PICTURES
Image caption Padmavati waa boqorad Khiyaali ah qarnigii 16

Filimka muranka badan dhaliyay ee Bollywoodee lagu magacaabo Padmaavat, ayaa dibadbaxyo muddo bilooyiin ah socda ka dhaliyay dalka Hindiya.

Filimkan ayaa ka sheekaynaya qiso dhacday qarnigii 14 aad taasi oo dhex martay boqorad Hinduu ah iyo boqor Muslim ah.

BBC ayaa sharaxaad ka bixinaysa sababta Hinduuda garabka midig iyo kooxaha dabaqada sare ay uga caroodeen taariikhdan qadiimiga ah.

Muxuu ku salaysan yahay muranka?

Xidigaha Bollywood ee kala ah Deepika Padukone iyo Ranveer Singh ayaa door muhim ah ka ciyaaraya jilidda filimkan.

Sheekadda filimka ayaa ku salaysan qarnigii 14 aad oo boqor muslim ah oo lagu magacaabo Alauddin Khilji uu weeraray boqortooyo ka dib markii uu caashaqay quruxda boqoraddooda oo lagu magacaabi jiray Padmavati, oo ka soo jeeda Hinduuda gaar ahaan qabiilka Rajput.

  1. Filim ka hadlaya nolosha dhabta ah ee Soomaalida Maraykanka
  2. Lubnaan oo dalkeeda ka mamnuucday filim haweenay Israeli-yad ahi xiddigta koobaad ka tahay
  3. Taariikhda gabadhii ugu horeysay ee Hindiya ka noqotay sawir qaade

Kooxaha Hinduuga iyo Rajput ayaa waxay sheegeen in filimka ay ku jirto qayb uu boqorka Muslimka ku riyoonayo isaga oo la seexday boqoradda Hinduuga ah.

Agaasimaha filimkan Sanjay Leela Bhansali ayaa sheegay in filimkani aysan gabi ahaan ba ku jirin " qayb ka hadlaysa riyo" .

Balse wararka la isla dhexmarayo ee ah in filimka ay qaybtaasi ku jirto ayaaba ku filian in kooxaha Hinduda ay ka caraysiiso.

Kooxaha Hinduuga ayaa ku baaqaya in gabi ahaanba la mamnuuco filimkan.

Taariikhda uu filimkani ka hadlayo ma tahay mid sax ah?

Iyada oo boqor Khilji uu ahaa nin taariikh leh ,ayaa haddana taarikhyahannada waxay aaminsan yihiin in Padmavati ay tahay khiyaali.

Magaca boqoradda, iyo sheekadda filimka ayaa la rumaysan yahay in ay ku salaysan tahay gabaygii Padmaavat, oo uu qarnigii 16aad tiriyay gabyaagii Malik Muhammad Jayasi.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Booliiska ka hortaga dibadbaxyada oo Gujarat ku sugan

Gabaygan ayaa amaanaya tayadii Padmavati oo ay ka go'nayd in ay sharafteeda ka difaacdo Khilji oo dilay seygaydii boqor Rajput oo dagaal ku dhintay.

Sati, waa dhaqan marka marwada uu ninkeeda ka dhinto ay ka samyso goobta aaska, waxaana la rumaysan yahay in uu soo bilaabmay dhaqankan 700 oo sano ka hor waa dhaqan ay leeyihiin qabiilka Rajputs ee dalka Hidniya.

Haweenka ayaa is guba marka ragooda dagaalka looga adkaado si ay uga hortagaan in cadowga ay u gacan galaan.

Dhaqankan ayaa waxa mamnuucay Ingriiska markii ay Hindiya maamuliyeen, waxaana la mamnuucay 1829 taasi oo ay dalbadeen dad isbadal doon ahaa dalka Hindiya.

Baaxad intee la dhan ayay leeyihiin dibadbaxyada ?

Waxaa qayba kala duwan oo dalka Hindiya ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo filimkan, waxa ayna dibadbaxyadan socdeen tan iyo bishii January 2017 .

Dibabaxyada ayaa waxaa dhigaya xubnaha Karni Sena, ee Rajput .

Dibadbaxyada ayaa sii xoogaystay bishii November ka dib markii la shaaciyay in filimkan la daawan doono 1 December.

Qoomiyada Rajput ayaa waxay gubeen sawirada Mr Bhansali.

Maxay maxkamada ka tiri Filimkan?

18 bishii January, ayay maxkamada ogolaatay in filimkan la fa saxo oo xariga laga jaro , waxa ayna maxkamada laashay go'aan afar gobo loo laga mamnuucay in lagu soo bandhigo.

Mowduucyada la xiriira