Madaxa IMF oo soo dhaweysay horrumarinta dhaqaalaha Zimbabwe

Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka Christine Lagarde Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka Christine Lagarde

Madaxa Sanduuqa Lacagta Adduunka, Christine Lagarde, ayaa soo dhaweysay sida ay uga go'antahay madaxweynaha cusub ee waddanka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa, inuu xasiliyo dhaqaalada dalka iyo inuu dib xiriir ula yeesho beesha caalamka.

Ms Lagarde oo hadlaysay kaddib markii ay kula kulantay madaxweyne Mnangagwa banaanka hore ee Shirka Dhaqaalaha Aduunka oo ka soconaya Davos.

Lagarde waxa ay sheegtay inay ka wadahadleen iyada iyo madaxweyne Mnangagwa sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka dhaqaale ee aadka u liita ee ay wajaheyso Zimbabwe.

Kaddib dhowr iyo labaatan sano oo madaxweyn Robert Mugabe uu dalkaasi ka arriminayay xiriir fiicana uusan la yeelan hay'adaha caalamiga, ayaa Zimbabwe waxay haatan la daalaa dhaceysaa dhaqaale xumo, sare u kac qiimaha nolosha ah iyo shaqa la'aan baahsan.

Maalintii Arbacada, madaxweyne Emmerson Mnangagwa, waxa uu sheegay inaysan u muuqan wax diidaya in Zimbabwe ay dib ugu biirto wadamadda Barwaaqa-sooranka.

Mowduucyada la xiriira