Xabadjoojin Bariga Ghouta ee Suuriya ka dhaqangalaysa

Burburka ka dhashay dagaalka Suuriya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burburka ka dhashay dagaalka Suuriya

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka waddanka Suuriya ayaa sheegay in iyaga iyo dowladda Suuriya ay isku afgarteen xabadjoojin laga hirgaliyo deegaanka muddada dheer go'doonsanaa ee bariga Ghouta oo dhacda nawaaxiga caasimadda Dimishiq.

Ergeyda mucaaradka ee ka qeybgalaya wareega ugu dambeeyo ee wadahadallada nabada ee toddobaadkan uga furmaya dowladda Suuriya iyo mucaaradka magaalada Vienna ayaa sheegay in xabadjoojinta ay dhaqan gali doonto saacada soo socda.

Dagaalyahanada mucaaradka ayaa sheegay in dowladda Ruushka ay balan qaaday inay dhaqan galineyso xabadjoojinta.

Balse waxa ay sheegtay inay ku xireyso shardi ah in gargaarka degdega ah uu gaaro deegaanada go'doonsan afar iyo labaatanka saac ee fooda nagu soa hayo.

Qiyaastii afar boqol oo kun oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku harsan yihiin bariga magaalada Ghouta, kuwaasi oo raashinka daruuriga ah uu kasii dhamaanayo, sidoo kalena goobihii caafimaadka ay burbureen.