Dumarka ka dilaala xoolaha oo kusoo badanaya Garissa
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dumarka ka dilaala xoolaha oo kusoo badanaya Garissa

Magaalada Garissa waxaa ku soo badanaya dumarka xoolaha u kala iibiya dadka ee dilaalka ka raadsada noolal maalmeedkooda.

Dumar badan oo ganacsata ah oo qaarna xoolaha iyaga iibsada qaarna dadka u kala iibiya ayaa aad uga dhex muuqanaya seyladda xoolaha ee magaalada Garissa oo ah seyladda ugu weyn ee xoolaha nool lagu kala iibsada ee bariga Afrika.

Arrintan ayaa ah mid ugub ku ah dad badan oo soomaali ah, maadaama ragga oo keliya looga bartay inay wax dilalaan, waxaana dumarka Garissa ee arrintan ku hawlan ay ka cabanayaan ragga oo u xoog sheeganaya, kuna garbinaya shaqadan, sida uu warbixintan ku eegaya weriyaha BBC-da Bashkas jugsoodhacay.

Mowduucyada la xiriira