Falanqayn: Maxay tahay sababta Mareykanka uu u mamnuucay in wax hub ah loo daabulo dalka South Sudan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay tahay sababta Mareykanka uu u mamnuucay in hub loo daabulo dalka South Sudan

Dowladda Mareykanka ayaa mamnuucday in wax hub ah loo daabulo dalka South Sudan. Tallaabadan ayuu Mareykanka sheegay in looga golleeyahay sidii loo soo afjari lahaa collaada afarta sanno ka taagan wadankaasi.

Mareykanka ayaa sidookale mamnuucay in shirkadaha dalkaasi ay adeega dhanka difaaca siiyan dowladda South Sudan.

Haddabo tallaabadan Mareykanka uu ku mamnuucay in hub la geeyo dalka South Sudan iyo waxa ay ka bedeli karto xaaladda dalkaasi ayaan ka wareystay Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha gobolka.