Laba ka mid ah Telefishinada Kenya oo hawada dib ugu soo laabtay

Dibadbaxayayaal ku baaqayay in tv-yada dib loo furo Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dibadbaxayayaal ku baaqayay in tv-yada dib loo furo

Laba ka mid ah telefishinada si gaarka ah loo leeyahay ee dalka Kenya ayaa dib u bilaabay howlahooda ka dib toddobo maalmood oo ay dowladda ku qasabtay in ay howlahooda joojiyaan.

Telefishinada kala ah NTV iyo KTN ayaa dib hawada ugu soo laabmay maanta galinkii dambe.

Balse waxaa wali hawada ka maqan oo aan dib howlihiisa u bilaabin TV-ga kale ee Citizen.

Howlaha saddexdan telefishin ayaa la joojiyay ka dib markii ay isku dayeen in ay tabiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaarinayay siyaasiga mucaaradka Raila Odinga.

Dowladda Kenya ayaa ku tilmaamtay tillaabada telefishinadan in ay ahayd mid u dhiganta khiyaano qaran, waxa ayna iska dhagatirtay amar maxkamadeed oo ahaa in dib loo furo.

  1. Sawirro: Dadka Kenya oo cuntada la wadaagaya xoolaha
  2. Waa kuma Raila Odinga?
  3. Raila Odinga oo loo dhaariyay "madaxweynimo"

Mar sii horeysay oo maanta ah ayaa booliiska waxa ay isticmaaleen suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala cayriyaan dibadbaxayaal dowladda ugu baaqayay in telefishinadan ay dib u furto.

Ururada warbaahinta ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay tillaabada dowladda ay ku xirtay telefishinadan.

Mowduucyada la xiriira